Hayat Foundation oo deeq lacageed gaarsiisay dhismaha isbitaalka Camaara

Caafimaadka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Hay’adda Hayat foundation  Ayaa deeq lacageed soo gaarsiisay dhismaha Isbitaalka Guud ee Camaara gobolka Mudug. Deeqdan lacageed oo gaareysa 4000 dollar ayaa ka timid Jaaliyadda Deegaanka ee degan dalka Mareykanka.

Madaxa Hayadda Hayat foundation Safiyo Cabdulahi Barre ayaa uga mahad celisay dhamman intii ka qeyb qaadatay soo ururinta deeqda iyo intii ku soo dhaweysay Lana shaqeeysay intii ay joogtay Minneapolis.

Deeqdan waxaa Isbitaalka Guud ee Degmada Camaara soo gaarsiiyay Cabdulqaadir Sayid Ahmed oo ka mid ah howlwadeenada Hay’adda Hayat foundation, waxa uuna deeqdaas lacageed ku wareejiyay  Guddigga horumarinta isbitaalka Camaara oo ay hogaaminayaan Sheekh  Cabdiraxmaan Axmed Warsame iyo Sheekh  Xassan Camaara.

Bulshada degan Camaara ayaa wada dhismaha isbitaal, iyagoo howshan ku wada qaab isku tashi ah. Waxaana meel wanaagsan maraya dhismaha isbitaalka oo la filayo inuu daboolo baahidda caafimaad ee deegaankaas.

Dhanka kale Hayat Foundation ayaa horey gacan uga geysatay dhismaha iyo qalabeyn isbitaalo, iskuulo iyo goobaha adeegga dad weynaha deegaanada Galmudug.