Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo sii wadda Hawlaha Afurinta Dadka Danyarta ah ee Soomaaliyeed. [Sawirro]

Wararka Maanta

Hay’adda Bisha Cas ee dowladda aan walaaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ka wadda degmooyinka Gobolka Banaadir Barnaamijka Afurinta Dadka Dan-yarta ah ee Soomaaliyeed.

 

Barnaamijka afurinta oo ay waddo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa ka socda degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

 

Howlaha Afurinta waxaa Maalin kasta ka faa’iideysta Boqolaal qoys oo isugu jira  Barakacayaal, iyo Dadka Danyarta ah, gaar ahaan Dadka u baahan kaalmada noocaan oo kale ah oo aan awoodin in ay helaan wax ay ku afuraan Bisha barakeysan ee ramadaan.

 

Qaar kamid ah dadkii ka faa’ideystay barnaamijkan Afurinta ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta kaalmada ay marwalba la garab taagantahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Afurinta Afurinta Dadka Baahan Ee Danyarta Ah.

 

Hay’adda Bisha Cas Imaaraadka Carabta ayaa Sanad walba Marka la gaaro Bisha barakeysan ee Ramadaan waxa ay Afrin u sameysa Boqolaal Qoys, gaar kuwa Dan-yarta ah iyo kuwa sida aadka ah ugu baahan kaalmada.

 

Hay’adda Bisha Cas Imaaraadka Carabta ayaa ku tala jirta in ay Afuriso inta lagu guda jiro Bishaan Barakeysan ee ramadaan dadka gaaraya 54 kun oo qof oo ku nool degmooyinka kala duwan ee G/Banaadir.

received_1563382860390533received_1563382863723866received_1563382910390528

received_1563382910390528received_1563382917057194