Hanti-dhowrka Guud Qaranka oo xaqiijiyey in xafiiskiisa la jabsaday

Wararka Maanta

FB_IMG_1489162757933

Hanti-dhowrka Guud Qaranka  Dr. Nuur Faarax oo hadal kooban siiyay Radio Dalsan magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay jirto in xafiiskiisa la jabsaday, balse uu dib ka faah faahin doono.

Waxaa uu sheegay inay jiraan dad loo qab qabtay, balse waxaa uu ka gaabsaday inuu arrintan taleefan uga hadlo, isla markaana ay socdaan baaritaano.

Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa ku yaala gudaha Xarunta Madaxtooyada, gaar ahaan dhismo ay degan tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Ciidamada Nabadsugida ayaa la sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira arrintan, waxaa la sheegayaa in illaa labo qof oo mid ay haweeney tahay arrintan loo xiray, balse markii dambe damiin lagu sii daayay.

Warar ayaa intaa ku daraya in dadka lagu tuhunsan yahay arrintan ayaa la sheegay in aysan dalka ka bixi karin, inta baaritaanada socdaan.

Labo habeen ka hor ayay aheyd markii uu soo shaac baxay wararka sheegaya in Xafiiska Hanti dhowrka Guud la jabsaday, lagana qaatay ducomentiyo kala duwan oo la xiriira xisaabaadka Miisaaniyada iyo cadeymo la xiriira shaqsiyaad loo haayo inay musuq maasuq sameeyeen