Sawirro: Ardayda Jaamacadda SIMAD oo deeq daawo ah gaarsiiyey isbitaalka Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ardayda jaamacadda SIMAD qeybta Cadaado ayaa deeq daawo ah gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada Cadaado, ardayda ayaa dhaqaale ay iska soo ururiyeen kusoo gaday daawo lagula tacaalo bukaanada uu soo ritay shubanka.

Guddiga arday SIMAD-Cadaado ayaa deeqdaan ku wareejiyey howlwadeenada isbitaalka, waxaana masuuliyiinta isbitaalka ka mahad celiyeen deeqdan oo isugu jirtay faleebooyin iyo daawooyin lagula tacaalo shubanka.

Isbitaalka Cadaado ayaa waxaa buux dhaafiyey bukaano qaba cudurka shuban biyoodka, waxaa sii kordhaya tirada bukaanada cudurkaan soo ridanaayo.

FB_IMG_1489135979817 FB_IMG_1489135974838 received_646645995537968 received_646644798871421 received_646643985538169