Hanti-Dhowraha Qaranka oo hortagaya Barlamaanka

Wararka Maanta

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta oo Isniin ah kulan  yeelanaya. Ajandaha kulanka ayaa ah aqrinta koowaad ee dib u eegista hindise sharciyeedka hanta-dhawraha.

Hanti-dhawraha guud ee qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa maanta hortagaya Golaha Shacabka.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa todobaadkan bilawgiisa soo gaba gabeeyay hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, horumarinta dhismayaasha iyo maamulka dhulka.

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sidii caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta golaha shacabka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda ee halkaasi maraya.