Cali Gacal”Xabsi-Guri ayaan ugu jirnaa Madaxwayne Xaaf

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in asaga Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka Xabsi Guri ku yihiin Xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Cadaado waxuuna sheegay in Xayiraad laga saaray inay aadaan gudaha Magaalada.

Waxuu sheegay in sidoo kale la joojiyay Howlihii Baarlamaanka Maamulkaas halka asaga iyo Labada masuul ee kale lagu war galiyay inaysan muddo Shan bari ah ka bixi karin Xarunta Madaxtooyada oo ay horay u daganaayeen.

Cali Gacal ayaa sheegay in ay u baqayaan Amnigooda xiligaan madaama aysan ka bixi karin iridda Madaxtooyada waxuuna sheegay inaysan ogayn Cidda sida Rasmiga ah uga danbaysa arintaan balse Ciidanka amniga Xarunta Madaxtooyada ay  amarkaan ka heleen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa xusay inay xariir la sameeyeen Madaxwaynaha Galmudug arintaana wax ka waydiiyeen balse aysan ka helin hadal ay ku qancaan waxuuna qabaa in Xaaf uu ka danbeeyo godoominta lagu sameeyay isamarkaana ay Madaxwayne Xaaf ugu jiraan Xabsi-Guri

Arintaan ayaa Muujinaysa sida ay Cirka iskugu Shareertay Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Sare ee Galmudug kadib go’aankii Madaxwaynaha Maamulkaasi ku taageeray Sacuudiga iyo Imaaraadka ayadoona Madaxwayne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku si cad uga soo horjeesteen go’aankaas

Warkaan wixii kusoo kordha halkaan ayad kala socon doontaan Insha allah

Ceelhuuronline