Halkay maraysaa Dacwadii Badda Soomaaliya iyo Kenya

Wararka Dibadda

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Dahir ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay mareyso dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee taala Maxkamadda Caalamiga ee Cadaalladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland.

Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inuu dhamaaday wajigii koowaad ee dacwada, isla markaana laga sugayo Kenya inay gudbiso jawaabta dulucdii dacwada, isla markaana horay Soomaaliya u gudbisay.

“Dacwadii wajiga koowaad waa uu soo dhamaaday, Maxkamadda waxay horay u sheegtay inay awood u leedahay inay dhageysato, go’aan ka gaarto, waxaa hada ay Kenya ku qasban tahay in kama dambeys 18 bisha December inay gudbiso dulucdii jawaabta dacwada”ayuu yiri Axmed Cali Dahir oo wareysi siiyay Idaacada Goobjoog.

Waxaa uu sheegay in wixii ka dmabeeya 18-ka bisha December ay maxkamadda dhageysan doonto dulucda dacwada iyo doodaha labada dhinac sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maxkamadda ay labada dhinac u diri doonto wixii go’aano ah ee ka soo baxa jawaabta laga sugayo Kenya, isla markaana ay ka war sugayaan.

Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday inay awood u leedahay inay dhageysato dacwada u dhaxeysa labada dal, isla markaana ay go’aan ka gaarto, taasoo meesha ka saartay is hor-taagii ay Kenya ku dooneysay ee ahaa in aysan dacwadan qaadi karin Maxkamadda.

Muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ahaa mid soo jiitamayay, waxaana horay ay Kenya dalbatay in wada hadal ay ka yeeshaan arrintan, hase ahaatee ay diiday dowladda Soomaaliya.