Madaxwayne Farmaajo oo xal u raadinaya Khilaafka Madaxda Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed ayaa Kulan la qaatay Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug.Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Madaxwayne Farmaajo ayaa  ahaa mid an Saxaafada looga yeerin.

Kulanka uu Madaxwaynaha Soomaaliya la qaatay Madaxda Galmudug gaar ahaan Garabka Khilaafku kala dhaxeeyo Madaxwayne Xaaf ayaa wararku waxay sheegayaan in Madaxwaynuhu sadexda Masuul kala hadlay in si hoose loo dhameeyo Arinmaha ay isku hayaan Madaxda sare Galmudug.waxaana kulan kaanii yimid kadib markii Madaxwayne Farmaajo Cadaado uga yeeray Masuuliyiintan oo markii hore sheegayay in Madaxwayne Xaaf ku xayiray Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado.

Muqdisho waxaa sidoo kale ku sugan Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka qayb galaya Shirka Wadatashiga Dowladda Dhexe iyo Maamulada Xubnaha ah waxaana la filayaa in Madaxwayne Farmaajo iska hor keen Madaxda Galmudug si loo wadahadal siiyo oo  wada xaajood laga galo arimaha Khilaafku salka kuhayo.

Khilaafka Madaxda Sare ee Galmudug ayaa soo jiitamayay ku dhawaad labo bilood Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay inay la safatay Garabka Madaxwayne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaana markaan isku da yaysa xal u helidiisa.

Ceelhuuronline