Waa kuwee 4 Dal ee Afrika ee Shiinuhu doonayo inuu saldhig Milatari ka sameysto?

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Dalka Shiinaha ayaa ka fekeraya inuu saldhig milatari ka sameysto afar dal oo Afrika ku yaalla, sida laga soo xigtay Waaxda Difaaca Mareykanka.

Dalalka Kenya, Seychelles, Tanzania iyo Angola iyo kuwo kale ayaa la sheegay inuu Shiinuhu doonayo inuu xarun Milatari ka sameysto.

Warbixinta oo ay waaxdu soo saartay toddobaadkii hore ayaa aad la iskula dhex marayay.

“Marka laga soo tago saldhigga uu hadda ku leeyahay Jabuuti, Shiinaha wuxuu aad ugu muuqdaa mid ka fekeraya inuu xarumo kale oo milatari sameysto si ay u taageeraan ciidamada cirka, badda iyo dhulka,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Shiinaha uu ka fekeray inuu saldhigyo Milatari ka sameysto dalalka Myanmar, Thailand, Singapore, Indonesia, Pakistan, Sri Lanka, Imaaraatka Carabta, Kenya, Seychelles, Tanzania, Angola, iyo Tajikistan.

Afartan dal weli kamay hadlin warbixinta.

Xigasho: BBC.