Shabakadda ceelhuur.com ayaa heshay warqad jawaab ah oo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug C/kariim Guuleed u diray safaarada Maraykanka.
Warqadan oo ku taariikheysan 20 bishan ayaa Madaxweyne Guuleed kaga jawaabay dhacdooyin maraykanku sheegay in ay ka dhaceen doorashada ka socota Cadaado.
Guuleed ayaa mid mid u jawaabay dhacdooyinkaas :
- Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen guddi loo saaray dhacdadii ka dhacday guri doorashooyinka ay cadeeyeen in Jeneraal Gaafow uusan joogin goobta shaqaaqadu ka dhacday.
- Ergada beesha ceyr ma jiraan wax laga badalay, musharixiintuna way ku qanacsanaayeen, ma jirto gabadh musharaxad ah oo doorashada laga horjoogsaday, balse gabadhu ma aysan joogin goobta doorashada.
- Dhanka kale warqada uu qoray Ugaas Cabdullaahi ee uu Caasho Xaaji Cilmi ku siiyey kursiga haweenka Saleebaan waxaa barbaryaala cabasho ay qabaan jufada kursiga iska leh iyagoo ku doodaya in kursigaan ay 16 sanno gabar ku fadhisay, hadana aysan qaban arintaas. Mr.Guuleed ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xeeriyo fikradahaas iska soo horjeeda, taas oo u baahan in loo wajaho si taxasmdar leh, si looga feejignaado qalalaase siyaasadeed.
- Sidoo kale Xubnaha taageera Ahlu sunno ma jirto cid ka hor istaagtay, waxaana qaarkood ku jireen liiska musharixiinta aqalka sare, balse kuma guuleysan, aqalka hoosana ma jirto sabab aan ugu horjoogsan karno inay u tartamaan, waxaa jiraa siyaasiyiin mucaarad ku ah maamulka hadana madaama ay qabiiladooda taageero ka haystaan ma jiraan sabab aan ku diidi karno.
Warqadan oo ka kooban saddex bogg ayaa si guud idinkugu soo koobnay nuxurkeeda, haddii aad fahmi karto luuqada ingiriiska hoos ayaad ka aqrin kartaa.
Comments are closed.