Kulalihi iyo Cabdi Barre oo looga Adkaaday doorashadii maanta ka dhacday Garoowe (Warbixin+Sawirro)

Wararka Maanta

Doorashada 3 Xildhibaan oo aqalka hoose ah ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Garowe, waxaana afka ciidda loogu daray Qaar ka mid ah Siyaasiin si weyn looga yaqaano Deegaanada Puntland, Halka ay kusoo baxeen xubno aan horey loo filayn ka dib markii uu loolan adag saddexda kursi ku dhex maray musharaxiin kor u dhaafaya ilaa 11 musharax.

Doorashadii maanta Garowe oo ka bilaamatay kursiga 20-aad ka dib markii horey loo doortay 19 ka mid ah 37-da kursi ee Puntland ku leedahay Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya waxaa ku tartamay 20-aad laba musharax oo kala ah Daa,uud Bisle oo horey uga soo mid noqday gollaha Wasiiradda Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Musharax Ex Xildhibaan Indho-buur oo ka mid ahaa Xildhibaanadii baarlamanka ee waqtigu ka dhamaaday.

Loolan adag ka dib labada musharax waxaa 32 cod ku guulaystay  Daa,uud Bisle ka dib markii uu helay Musharaxii la tartamayay Ex Xildhibaan Indho-buur 18 Cod.

Waa Kuma Daa,uud Bisle.

5i2a9560Daa,uud Bisle ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday saaxadda siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan tan Puntland sanadkii 2009 ilaa 2012 oo uu Wasiirka Qorsheynta kasoo noqday Xukuumaddii uu hogaaminayay Madaxweynihii horre Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole), Wuxuuna uga sii gudbay sanadkii 2013 Muqdisho ka dib markii uu ka mid noqday Gollihii Wasiiradda Dowlada Federalka ee uu soo magacaabay Raysal wasaarihii horre  Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan inuu ka mid yahay Daa,uud Bisle raga xulufada dhow la ah Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna wararka qaar aan la xaqiijin karin sheegayaan inay salka ku hayso ujeedada uu uga mid noqday Daa,uud Bisle Aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya sidii uu uga mid noqon lahaa musharaxiinta u tartami doonta qabashada Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya , Taas oo ah mid shaki xoog leh ay ka muujinayaan siyaasiin badan oo kasoo jeeda deegaanka uu kasoo galay Xildhibaan Daa,uud Bisle Baarlamanka Soomaaliya.

Kursiga 21aad .

Waxaa ku tartamay kursiga 21aad 4 musharax oo kala ah, Cabdi Maxamuud Maxamed (Afdhuub), Axmed Bashiir Muuse, Liibaan Siciid Nuur, Maxamed Axmed Maxamuud (Kula-lihi), waxaana cod aqlabiyad leh ku guulaystay wareegii 1aad  Cabdi Maxamuud Maxamed (Afdhuub) oo helay 33 cod.

at7a0429Xildhibaan Kula-lihi oo ka tirsanaa baarlamankii waqtigu ka dhamaaday ayaa ugu hooseeyay natiijada ay ka heleen doorashadii maanta 4 musharax oo kula tartamaysay kursiga 21aad, wuxuuna gacmaha kor ugu hayay miiska ay wada fadhiyeen musharaxiintii la tartamaysay qoraal uu ku dhaliilayo doorashada maanta halkaas ka dhacday oo ku sheegayo in la musuq maasuqay ka dib markii uu helay Ex Xildhibaan Kula-lihi natiijo ah (O).

Kursiga ugu adkaa doorashadii Maanta Garowe

Dhinaca kale kursiga 22aad ayaa ahaa midkii ugu adkaa doorashada aqalka hoose ee ka socota Garowe, waxaana ku tartamay  6 musharax oo mid ka mid uu dhalay Suldaanka beesha Reer Bicid-yahan  taas oo ahayd haweenay lagu magacaabo Amaan Suldaan Cali Baale iyo 5 musharax oo kale oo ka mid ahaa  Xildhibaanadii caanka ka ahaa Dowlada Federalka Soomaaliya laguna magacaabo Ex Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil .

5i2a9634Kursiga 6 musharax ay ku tartameen waxaa ku guulaystay Ganacsade afka ciida u daray  musharaxiintii kale ee kursiga kula loolamaysay, Waxayna dad badan aaminsan yihiin inuu kusoo baxay ganacsadani lacagtiisa kaasoo sida ay isku raacay in badan oo ka mid ah dadkii madasha fadhiyay ahaa shaqsi ay ka aftahan-sanaayeen musharaxiintii kale ee kula tartamaysay kursiga 22-aad

Waxayna u kala heleen codadka 6dii musharax eek u tartamaysay kursigan sidatan Ganacsade Faysal Cabdille Guuleed wuxuu wareegii kowaad helay 22 Cod, Waxaa ku xigay Siciid Cali Maxamed oo helay 14 Cod, halka Cabdixakiim Faarax Cali (Caruush) uu helay 8 cod, Saleebaan Cabdulle ayaa isna helay 2 Cod, Amaan Suldaan Cali Baale waxay heshay 4 cod, halka  Cabdi Bare Jibriil uu helay hal cod oo kaliya.

Xigasho:Puntland Post

Comments are closed.