Guuleed” Dhacdada Qalbi dhagax waa lama Filaan

Wararka Galmudug

Madaxwaynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo hadalkan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa Ama kaag iyo lama filaan ku tilmaamay talaaba Dowladda Somalia C/kariin Shiikh Muuse oo ku magac dheer (Qalbi Dhagax) ugu gacan galisay Ethiopia waxa uuna yiri.

Maalmahii la soo dhaafay Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waxay isku dareen ka noqdeen dhacdadii lagu dhiibay Muwaadinka Soomaaliyeed ee Abdixakiin Qalbi Dhagax haddaba waxaa isweydiin mudan maxaa dadka dareenkooda ilaa heerkaan kiciyey oo Dowladdii iyo Hogaankii ay sidii la ogaa doorashadiisa u soo wada dhaweeyen una taageereen  hal mar oga soo horjeenteen, anigu koley waxay ila tahay in arintaas ay salka ku heyso arimaha soo socda:

1. Dareenka ay Dadweynaha Soomaaliyeed ka qabeen Hogaankooda Cusub inuu tusaale u yahay Wadaniyadda iyo ilaalinta Karaamadooda iyo Xuquuqdooda, taas oo dhacdadaani markii ay dhacday lama filaan iyo amakaak ku noqotay, keentayna inay niyadjab ku abuurto.

2. Dhacdadaan oo ugub ku ah inay ka dhacdo dowlad Soomaaliyeed .

Waxaa xusid mudan inaan halkaan ku tilmaamo hal dhacdo oo dhacday waqtigii uu xukunka hayey Madaxweynihii hore ee  Xasan Sheekh in ay dhacday inuu Horjooge ka mid ahaa Horjoogayaalka Kooxda Al-Shabaab isi soo dhiibay kaas oo watay labo Jinsiyadood tiisa asalka aheyd ee Soomaaliya iyo mid Mareykan ah, waxaa markii ay ka war heshay dowladda Mareykanka isi soo dhiibkiisa ay dowladda Soonaaliyeed ka soo dalbatay in maadaama uu ninkan mareykan yahay sida ay sheegeena danbiyo looga heysto dhankooda ayaga loo gacan galiyo laguna wareejiyo, laakiin dowladda soomaaliya xiligaas waa ay ka diiday ayadoo tiri Dastuurkeena iyo shrcigeena midna noo ogolaanmaayan inaan Muwaadin Soomaaliyeed dowlad kale u gacan galino, arinkaas oo in muddo ah mugdi iyo madmadow weyn galisay  xiriirka labada dal iyo wadashqeyntoodii.

3. Dhacdadaan oo sidoo kale ugub ku ah Magaalada Muqdisho oo aheyd hoyga iyo gabaadka qofka Soomaaliga ah, Waxaana dhamaanteen wada xusuusana in dhacdadaan oo kale ay Salfatay Raggii Hogaamiye Kooxeedyada ahaa ee Muqdisho ka arimin  jiray kadib karkii ay isku dayeen in Muwaadiniin Soomaaliyeed ay Ajnabi u gacan galiyaan, taas oo ay Reer Muqdisho ka gilgishsheen kana dhiidhiyeen, kacdoon bulsho oo arinkaas ka dhashayna Hogaamiye Kooxeedyadii magaalada looga saaray.

4. Sidoo kale dhacdaan oo ku xun kana soo horjeedo Dhaqanka iyo Karaamada Soomaaliyeed waayo Soomaalidu labo midna ma aqbali jirin kuwaas oo ah:

A. In qof ayaga ka dhashay ay cid kale tiraahdo noo soo dhiiba waxayna oran jireen haddii aysan cidna naga harin arunkaas yeeli meyno waayo waxay taabaneysaa jiritaankooda iyo shraftooda.

B. In qof magan u ah loo gacan dhaafo oo la damco taas oo ay u arkayeen inay karaamo jab ku tahay.

Dhanka kale mar uu ka hadlayay aamusnaanta Madaxda ugu saraysa dalka iyo waxa  kala gudboon arintaan Ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay geesinimo iska soo goyso oo jahawareerka jira dadka ay ka saarto ayadoo si mas,uuliyad ku jirto waxa dhabta ah ee jira dadweynaha ola wadaageyso, qiratana waxii khalad ah ee ay gashay, haddii wax qof gaar ah uu ku tagri falay ay tahayna qofkaas kiisku asaga Aabo yiraahdo, haddii go,aan guud uu ahaana Madaxda Sare ee uu Madaxweynuhu u horeeyo ay Bulshada cudurdaar rasmi ah u jeediyaal waayo arinkaan waa arin aan sidaan shibta ah ku dhamaaneynin waana arin si toos ah u taabanaysa Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.