Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(xaaf) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo labtay Magaalada Cadaado xarunta Galmudug.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka Galmudug , Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Galmudug, wasiiro iyo xildhibaano.
Madaxeynaha ayaa garoonka salaan sharaf uga qaatay cutub ka tirsan ciidanka Booliska, intaas kadib Madaxweynaha ayaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada.
Waqtigii magacaabista golaha wasiirada ayaa gabaabsi, waxaana ka hartay 20 cisho, Madaxweyne Xaaf oo Cadaado lagu doortay 3dii Maajo 2017.