Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud oo lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Cali Cilmi iyo nin la dhashay, ayaa waxaa caawa lagu dilay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha iyo walaalkii oo lagu magacaabi jiray Xasan Daahir Cali Cilmi, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Carafaat, waxaana la sheegay inay dileen niman hubeysan.

FB_IMG_1501880501232

Ragga dilka gaystay oo aan heybtoodu la garanayn, ayaa waxaa la sheegay inay la socdeen gaari kale oo uu leeyahay Gudoomiyaha, sidaana ay ugu dileen xaafadda Carafaat, xilli uu eheladiisa ku booqanayay.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xilligii la dilaayay Gudoomiyaha iyo walaalkiisuba aanay wax ilaalo ahi la socon.

Ciidamada ammaanka ee dowladda, ayaa goor dambe gaaray goobtii uu falku ka dhacay, xilli ay baxsadeen dembiile-yaasha.