Wararkii ugu dambeyey ee dagaalka deegaanka Dacdheer

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Deegaaka Dacdheer oo qiyaastii 70km galbeed uga beegan degmada Cadaado ayaa saaka aroortii waxaa ka bilowday dagaal culus oo u dhaxeeyey maleeshiyo beeleed kasoo kala jeeda Cabudwaaq iyo Cadaado.

Dagaalka oo markii hore ku bilowday qoryo cagmeed ayaa dib waxaa uga biiray gawaarida dagaalka, Waxaa la sheegayaa inuu ka dhashay khasaare xooggan, inta la og yahay dhaawac in kabadan 20 qofood ayaa la geeyey isbitaalada Cadaado iyo Cabudwaaq, sidoo kale dhimashada ayaa gaaraysa in kabadan 5 ruux.

Dagaalkan oo socday muddo dhowr saacadood ah ayaa wali rasaas ka socota, ma jiraan masuuliyiin ka hadlay dagaalkan, oo muddo dhowr sano ah ku soo laalaabanayey deegaanka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle xaaf ayaa waxa uu baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamaya Deegaanka dacdheer ee dhaca xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si Deg Deg loo joojiyo dagaalka wax walbana lagu xaliyo wadahadal.