Alshabaab oo la wareegay deegaanka Leego

Wararka Maanta

Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta la wareegtay deegaanka Leego oo  magaalada Muqdisho u jirta illaa 120KM, Waxayna  isku xirtaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, Ciidamada AMISOM iyo ciidankii dowladda ayaa isaga baxay saaka deegaanka Leego.

Boqolaal dagalayahano oo ka tirsan Al-Shabaab, kuna hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay deegaanka Leego, wax yar kaddib markii ay ka baxeen Ciidamada AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo arkayay dagaalyahano fara badan oo ka tirsan al-Shabaab oo ku dhawaaqayay Takbiirta (Allaahu Akbar), waxaa durbaba Al-Shabaab ay baaritaano ka bilaabeen saldhigii ay ka baxeen iyo xarumihii maamulkii deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyihii deegaanka iyo ciidamadii ilaalinayay ay iyana iska baxeen, kaddib markii ay ka war heleen ka bixitaanka Ciidamada AMISOM.