Dhacdo Aad u Foolxun: Maxaabiis lagu dilay Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Muddo kabadan bil ayaa dagaal waxa uu ka socdaa magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, dagaaladan oo u dhaxeeya ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaan intii badnaa barakacay shacabkii daganaa labada dhinac ee magaalada koofur iyo waqooyi, waxaa xirmay goobihii adeegga guud, waxaana dhowrjeer soo baxay warqado ay ku qoran yihiin heshiisyo horudhac ah oo aan fulin, waxaana u dambeeyey heshiiskii labada Maamul ku gaareen dalka imaaraatka carabta, iyadoo 20 bishan loo madlanaa in kismaayo la isugu tago si heshiis rasmi ah looga gaaro colaadda Galkacyo.

Shalay galinkii hore ayaa dagaal culus ka dhacay magaalada Galkacyo, waana dagaalkii ugu khasaaraha badnaa inta la xaqiijiyey in kabadan 30 ruux ayaa ku dhintay dagaalka, halka dhaawacu uu kabadan yahay 80 kale, waxaana dagaalka labada dhinac ku kala qabsadeen gawaari iyo maxaabiis.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa dagaalkii shalay ku qabtay gaari dagaal iyo nin dhaawac ah, waxaan ciidamada Puntland ninkii dhaawac ahaa ay kala baxeen isbitaalka waqooyiga Galkacyo,  iyagoo ku dilay banaanka magaalada, kadibna waxaa meydkiisa loo keenay eheladiisa oo ku sugan koofurta Galkacyo, ninkaan ayaa magaciisa lagu soo koobay Dhoorre.

Dhanka kale ciidamada Galmudug ayaa dagaalka ku qabtay gaari NOAH ah iyo ninkii watay, waxaana saaka markii ay maqleen in ciidanka Puntland dileen ninkii ay dhaawac u qabteen, ay iyana dileen ninkii Maxbuuska ahaa oo ay qabteen, waxaana meydkiisa loo qaaday waqooyiga Galkacyo, ninkan ciidanka Galmudug dileen ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdi Yare Ilka boqol, dhacdooyinkan ayaa waxaa aad uga argagaxay shacabka Galkacyo, waana markii ugu horeysay ee maxbuus la qabto la dilo labada dhinac.

Dhacdadaan ayaa ah mid ku xun diinta islaamka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee dadkeenu leeyahay, waxa ayna sii fogeynaysaa in xal laga gaaro colaadda Galkacyo ka taagan, waxaana waxgaradka Soomaaliyeed masuuliyad ka saaran tahay in si dhab ah uga qeybqaadan lahaayeen daminta colaadda Galkacyo, Madaxda labada maamulna waxa ay mudan yihiin in Maxkamada lagu soo taago dhacdooyinka nuucaan oo kala ah.

Comments are closed.