Gudoomiyaha Ahlu Sunna oo gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudoomiyaha Ahlu sunna waljamaaca macalin Maxamuud sheekh Xasan ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug. Gudoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaraha Ugaas Nuur Kusoo dhaweeyey Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, musuuliyiin, culumaa’udiin iyo ciidan.

Gudoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyey gudaha Magaalada, waxaana imaanshihiisa ku soo aadayaa iyadoo uu dib u dhac ku jiray dhaqan gelinta heshiiska Ahlu sunna iyo Galmudug. Waxaana la filayaa inuu ka qeyb qaato sidii loo fududeyn lahaa arintaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro Dhuusamareeb si loo guda galo dhaqan galinta heshiiska labada Dhinac. bulshada Galmudug ayaa ka dhursugaysa dhaqan gelinta heshiiskan.

Xuquuqda Sawirada : Cabdullaahi Warsame