Guddigii farsamada Galmudug ee dowlada Federaalka oo yeeshay kulan looga hadlayay dardar galinta howlaha doorashada

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Guddiga farsamada Maamul u dhisidda Galmudug,kuwaas oo ay u Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen  dardar gelinta dadaalladda lagu dhameystirayo geeddi socodka dhismaha Galmudug loo dhanyahay,sida ay sheegeen Xubno kamid ah Guddiga.

Xubnaha farsamada Maamul u dhisidda Galmudug ayaa lagu wadaa sidoo kale inay kulamo kala duwan la qaataan qeybaha kala duwan ee Bulshada si ay u bilaabaan soo xulista Xildhibaannada Cusub ee Galmudug.

Si lamid ah Magaalada Dhuusamareeb waxaa iyana kulamo kala duwan ka wada Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug ee uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.