Doorashada Gudoomiye ku xigeenka 1-aad & 2-aad Barlamaanka oo bilaabatay

Wararka Maanta

Waxaa goordhow  xarunta Golaha shacabka ka bilaabatay Doorashada Guddooomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ayaa xaadir ku ah goobta doorashada, waxa ayna isku diyaarinayaan in ay u dhiibtaan codadkooda, Cismaan Boqore ayaa shir gudoominaya fadhiga, waxaana doorashada gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamaanka ka xiiso iyo xamasad badan tahay Doorashada Gudoomiyaha, xildhibaanada ayaa isku mar u codeyn doona gudoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad.

Xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u tartamaya ilaa 6 Musharax, waxaana ay kala yihiin:-

1.Jeylaani Nuur Iikar.

2.C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

3.Faarax Sheekh C/qaadir.

4.Khaalid Macow C/qaadir

5.Saciid Xuseen Ciid.

6.Khadiija Maxamed Diiriye.

SIdookale xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka waxaa u tartamaya 10 Musharax, waxaana ay kala yihiin:-

1.C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

2.Mahad Cabdalla Cawad.

3.Burhaan Aadan Cumar.

4.C/laahi Xuseen Cali (Cabdalla)

5.Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

6.C/wali Maxamed Qanyare.

7.C/laahi Goodax Barre.

8.Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

9.C/wali Ibraahim Aadan(Ibbi)

10.Maryan Axmed Haaruun

halkaan kala soco wararka doorashada