Jurgen Klopp Oo Ku Faraxsan Inuu Sii Haysto Philippe Coutinho

Ciyaaraha

Jurgen Klopp ayaa sheegay in Liverpool ay heshay xaalad ay dooneysay ka dib markii Philippe Coutinho uu kooxda sii joogay.

25-jirkan khadka dhexe ayaa dalab uu ka helay Barcelona isagoo isku dayay inuu ku biiro naadiga ree Spain xagaagaan.

Si kastaba ha ahaatee, suuqa kala iibsiga ayaa xirmay Coutinho oo weli ka mid ah Liverpool, Reds ayaa lagu soo waramayaa inay Barcelona weydiisatay inay  ka bixiso 183 milyan ginni ciyaaryahanka reer Brazil.

Blaugrana ayaa 97 milyan oo ginni ku qarash gareeysay Ousmane Dembele oo ka yimid kooxdii hore macalin Klopp ee Borussia Dortmund ka dib markii ciyaaryahanka uu qeexay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Camp Nou, laakiin tababaraha Liverpool ayaa sheegay in Coutinho uu dib ugu soo laaban doono Anfield.

Klopp ayaa u sheegay wargeyska Jarmalka SPORT1, markii uu weydiiyay Barcelona inay ku guul darreysatay inay hesho Coutinho.

“Ma aaminsani wax kasta oo saxaafada ah ama in ay jiraan dalabaadka halkan, daqiiqda ka dib marka la soo bandhigo, waa in horayba loo dhammeeyaa.

“Ma jeclin George Orwell  oo qofkasta ogyahay wax walba, waxaan haysanaa xaalad aan dooneyno mana jirin wax kale.

“Dortmund waxa ay go’aansatay in Dembele uu ka tago, sidaasi darteed ma eegi karo labada xaaladood, weli waxaan heysanaa ciyaaryahan aad u fiican oo ciyaari kara.”

Coutinho, oo aan weli u ciyaarin Liverpool xilli ciyaareedkan sababo la xiriira, ayaa la sheegay in lagu arkay isagoo ooyaya inta uu ku jiro waajibaad caalami ah markii lagu wargaliyay inuu ku guuldareystay inuu dhaqaaqo Barcelona.

W/Q Hafsa Haji