Cumar C/rashiid oo dhaliilay Dowladda Soomaaliya

Wararka Maanta

cumar_cabdirashiid1

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa si weyn u dhaliilay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka Carabta.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake waxaa uu sheegay in go’aanka dowladda Soomaaliya uusan aheyn mid dani ugu jirto Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in ay habooneyd in Soomaaliya ay la safato dalalka uu Sacuudigu hoggaaminaayo.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda Qadar aysan waxba u qaban bulshadda Soomaaliyeed laakiin ay taageerto Kooxo iyo Shaqsiyaad gaar ah.

Waxaa uu Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya uu ugu baaqay in ay raacaan halka ay ku jirto danta umadda Soomaaliyeed , islamarkaana ay ka laabtaan Go’aankii dhexdhaxaadka ahaa.