Khilaaf Siyaasadeed oo dhex curtay Soomaaliya iyo imaaraatka

Wararka Maanta

Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay u yeertay Safiirkeeda u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, wararka ayaa intaa ku daraya in sababta u yeerashada safiirka ay tahay dowladda Soomaaliya oo imaaraatka ka dalbaday joojinta saldhiga Mialteri ee Imaaraadka Carabta ka dhisaneyso magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.

Safiir Maxamed Cusmaan ayaa shalay gaaray magaalada Abudhabi, dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa iyana sheegtay in aanay waxba kala socon arrintan, isla markaana kaliya ka war-qabto in howlaha Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho uu yahay mid si caadi ah u socda.

Sidoo kale warar kale ayaa iyana sheegaya in sababaha Imaaraadka ugu yeertay Safiirkeeda uu yahay inay bedel ku sameyso, ka hor inta aysan dowladda Soomaaliya ka soo saarin, ruqsad dalka looga saarayo (Persona Non Grada), kaddib markii Safiirka ku xadgudubay anshaxa diblomaasiyada, isla markaana fara gelin ku sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaalida.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaji uu ka codsaday dowladda Sacuudiga inay ka dhaadhiciso Imaaraadka Carabta inay joojiso dhismaha saldhiga Ciidan ee ay ka sameysaneyso Somaliland.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi ku yimid, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Imaaraadka ay daneyneysay in Musharax ay taageersaneyd inuu xilka ku guuleysto, balse taa ma dhicin, waxaana dad badan rumeysan yihiin in damaca Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya uu caqabad ku noqday doorashadii Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa si aad ah uga soo hor-jeesatay saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisaneyso garoonka diyaaradaha Berbera, taasoo ay u aragto arrin qatar ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa in muddo ah ku taameysay inay saldhig ka dhisato magaalada Dekeda leh ee Berbera, kaasoo illaa 208 KM koofur ka xigtay marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab el-mandab oo u dhow Gacanka Cadmeed.