Xildhibaan Si Kulul u weeraray Xisbiyada Mucaaradka ku ah Dowladda Farmaajo

Wararka Maanta

Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, kana mid ahaa xubnihii u ololeynayay xilligii doorashada ayaa sheegay in aanu dalka ka jirin xisbiyo siyaasadeed oo rasmi ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu si kulul uga jawaabay war si wadajir ah u soo saareen Xisbiyo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin iyo Xildhibaano oo eedeyn u jeediyay Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

“Dalkeenu kama jiraan xisbiyo mucaarad oo rasmi ah, balse waa kooxo qabiil ku saleysan, waxay u joogaan inay curyaamiyaan dadaalada dowladdu sameyneyso”ayuu yiri C/shakuur Cali Mire.

“NISA waxaa loo igmaday ka ilaalinta wadanka qaa’imiinta iyo dadka la shaqeeya cadawga Soomaaliya”ayuu sii raaciyay.

Mr Mire ayaa inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ee dhaliila dowladda u adeegsada lahjado adag, sida inuu ugu yeero qaswadayaal, kuna sifeeya kuwo qabiil, inkastoo isagaba Madaxweynaha ay isku heyb yihiin, isla markaana uu si aad u difaaco siyaasaddiisa.

Bilo ka hor ayay aheyd markii Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaran ay iska diiwaan geliyeen illaa 7 Xisbi, inkastoo xisbiyada maanta soo saaray war saxaafadeedka wadajirka aanay iska diiwaan gelin Guddiga doorashooyinka madaxa banaan.

Comments are closed.