Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa galabta ugu qayb galay magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug xaflad lagu soo xirayay dhameystirka hishiiskii u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana xaflada joogay madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro, Xildhibaano, iyo qeybaha Bulshada.
Kooxda Waaberi Galmudug ayaa munaasabadda ku soo bandhigay heeso ka turjumaya midnimada iyo wadajirka, sidoo kale Dadkii goobta ka hadlay ayaa dhiirigaliyey in Galmudug iyo Ahlu sunna fuliyaan heshiiskii ay wada gaareen.
Madaxweyne Xaaf oo soo xiray xafladda ayaa yiri ” waxaan idinkugu bishaareynayaa dekedii dhismahiidi wuu bilaabmaya hadaan isku duubnaano waxaan dhisan karnaa daaro dheerdheer jidad waaweyn ee yaan lugaha la isqaban” Sidoo Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan ay magacaabi doonaan guddi isku dhafka ciidamada iyo isku darida baarlamaan.
Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inuu maalmahaan ku sugnaado Caasimadda Dhuusamareeb, Waxaana la filayaa in Madaxdu guda galaan sidii loo fulin lahaa heshiiska ay gaareen labada maamul.