Akhriso: Magacyada Musharixiinta u taagan Guddoonka Barlamaanka

Wararka Maanta

Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo gabangabowday maanta qabashada araajida musharixiinta u taagan qabashada guddoonka golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa waxaa isku sharaxay ilaa 4 mudane, halka gudoomiye ku xigeenka 1-aad isku sharaxeen 6 mudane, sidoo kale gudoomiye ku xigeenka 2-aad ayaa waxaa u sharaxan 12 musharax.

Musharixiinta ayaa Sabtiga khudbadahooda ka horjeedin doona mudanayaasha Barlamaanka, halka khamiista 11 bisha la dooran doonka gudoomiyaha Barlamaanka.

screenshot_2017-01-05-19-48-08-1fb_img_1483638078843-1