Alshabaab oo goordhow qabsaday Tuulada Qaayib ee gobolka Galgaduud

Wararka Galmudug Wararka Maanta

breaking-news

Ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ayaa goordhow la wareegay tuulada Qaayib oo 30 km koofur-Galbeed kaga Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, Ciidamadan oo ka soo galay laba jiho, ayaa ka kala yimid deegaanada Day iyo Xiindheere.

War markii ugu horeysay ee Alshabaab qabsadaan deegaanka Qaayib, waxaana ciidamada tuuladan soo gaaray wataan ku dhawaad 20 gaadiid isugu jira xamuul iyo kuwa dagaal, Waxaana Alshabaab shalay qabsadeen tuulada Day halkaas oo ay xalay gubeen guryihiin tuulada.

Alshabaab ay barakicin qabiil ka wada deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galguduud, iyagoo wacad ku maray in ay sifeyn doonaan qabiilada ka soo horjeeda.

Ma jiraan wax ciidan Galmudug oo ku baxay deeganada Alshabaab qabsadeen, Wixii ku soo kordha kala soco www.ceelhuur.com

Ama Facebook

Ceelhuur Online