Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay 19 kale ayaana ku dhaawacantay qarax ka dhacay huteel ku yaalla magaalada Gonder ee waqooyiga dalka Itoobiya.
Isla markiiba lama aqoonsanin cidda ka dambaysay qaraxan oo habeenimadii talaadada dhacay , laaakiin booliisku waxay la xiriiriyeen mudaaharaadyadii rabshadaha watay ee billaha ka socday gobolka Amxaarada.
Waa qaraxii labaad ee muddo todobaad ah dhaca, waxaana midkan ka sii horeeyay qarax ka dhacay magaalada Bahir Dar Arbacadii hore.
Todobaadkan horaantiisii, Ra’iisalwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in xukunka dagdaga ah ee dalkiisa ka jira uu gacan ka gaystay dib u soo dabaalidda xasiloonida ka dib in kabadan sanad ay mudaaharaadyo ka socdeen gobollada Amxaarada iyo Oromada, labadaas qawmiyadood ayaana ka cawday in laga takooray dhaqaalihii iyo siyaasaddiiba.
Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in boqolaal dad ah la dilay kumannaan kalana xabsiyada loo taxaabay tan iyo markii ay mudaaharaadyadu billawdeen bishii 11 ee 2015kii.
Xigasho: BBC