Galcad Gumaad ayaa ka socda… Qormo kooban

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Degaanka Galcad ee gobolka Galgaduud oo qiyaastii 350 km waqooyi kaga beegan Magaalada Muqdisho, Waxaa bilooyin ka hor gaaray ciidamada Dowlada oo ay wehliyaan kuwa itoobiya, intii ay joogeen ciidamadan ayey dadka deegaanku aad u soo dhaweeyeen iyagoo u arkayey in dowladoodii timid, Alshabaab ayaa markii ay magaalada ka baxayeen dadka uga digay in ciidii soo dhaweysa ay dili doonaan.

Aroornimadii 4 Luulyo ayey dadkii ku soo tooseen ciidankii itoobiya oo magaalada isag guuray, una ruqaansaday dhanka deegaanka Budbud, waxaana iyana horey u raacay ciidamadii dowlada oo garan waayey meel ay ku haraan, maadaamada tiradoodu yareyd, Ciidamada itoobiya  inta badan dowlada Soomaaliya kuma wargeliaan ka bixitaanka deegaanada ay qabsadaan, waxaadna moodaa in Alshabaab iyo itoobiya u heshiiyeen dadka Deegaanka, tusaale waxaa kuugu filan Degmada Ceelbuur oo hadda ah meel cidlo, waxaa joogga ciidamo itoobiyaan ah oo ay wehliyaan tiro yar oo Askar Soomaali ah, dadkii ayaa ka qaxay cabsi ay ka qabaana hadii ay magaalada joogaan in marka ay itoobiyaanku baxo ay alshabaab laayaan, Alshabaab xataa ayaa dadka uga digay in ay  magaalada aadaan.

Kadib Maxaa dhacay

Saacado kadib Alshabaab ayaa magaalada Galcad la wareegay, waxa ay xirxireen waxgaradkii iyo ganacsatadii, inta badan dadkaaas waa la gowracay, qaarna maxaabiis ahaan ayaa loo watay, Xoolihii dadka deegaanku lahaayeen ayey dhaceen, ku dhawaad 500 neef oo geel ah iyo ari intaa ka badan ayaa la geeyey suuqyada Degmooyinka Ceeldheer, Galhareeri iyo magaalooyin kale oo ay Shabaab maamulaan, dadkii Galcad qeyb badan oo ka mid ah waxa ay u qaxeen Magaalada Muqdisho iyo deegaano kale.

Sidan oo kale deegaanka Budbud oo ay ciidamada itoobiya maalmo kadib ka baxeen ayaa markii ay Alshabaab qabsadeen waxa ay dab ku qabteen goobo ganacsi, hantidii ayeyna qaateen, dadna way ku dileen, waxaana hadda dadka Galcad iyo Budbud noqdeen kuwa ceyr ah, maamulka Galmudug oo deegaankan hoos tago kama hadlin, halka dowlad federaalka ay noqotay afkiibaa juuqda gabay.

Arinta xusidda mudan ayaa ah in dadka deegankan ay markii hore iskaga hoos noolaayeen xukunka Alshabaab, balse aad moodid in looga daray, oo hadda Waa ceyr faramadow, waxaa la dilay waxagaradkii, qaar waxay barakac ku yihiin deegaano kale, Maxaa diidaya in Maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka ka hadlaan?

Dhibka ku dhacay deegaanadan ayaa waxaa la qaba dhul badan oo Soomaaliya ka tirsan, waana in dadka aan dhibaato loo kordhin hadii aan la badbaadin karin, sidaas waxaa sheegayaa caqli saliimka ah.

Tagged

Comments are closed.