Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Muxaafidka oo isku Weeraray Furitaanka Madasha Talo Wadaag

Wararka Maanta

Madal loogu magac daray Talo Wadaag oo uu Guddoomiye ka yahay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Ridwaan Maxamed Xirsi ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii Daah-furka Madasha Talo Wadaag ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano, Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay iyo dad kale oo caan ah.

Khudbadihii laga jeediyay Munaasabadda ayaa mar kale u weecday dhinac aan la fileyn oo ahaa weerar iyo jawaab, iyadoo siyaasiyiinta dhaliilsan Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyo kuwa taageersan ay Munaasabadda uga faa’ideysteen inay isku weeraraan.

Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka, kana mid ahaa saaxibada Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa soo hadal qaaday hadal uu hada ka hor yiri Madaxweynihii Xasan Sheekh, kaasoo ahaa qof Soomaali oo Ajnabi aada inuu yahay qof ka cararay Soomaali kale, isagoo xusay in marka hore la iska daayo Ajnabiga suuq loo yeelayo oo Soomaalinimada la aamino..

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday rag shalay mucaarad ku ahaa xilligii uu ka mid ahaa dadka talada dalka hayay, ay maanta diidayaan mucaaradnimada, isla markaana uu taas ku faraxsan yahay

Maxamed Cabdi Yuusuf oo horay Xilal Wasiiro iyo Xildhibaan ka soo noqday dowladdii hore ayaa si kulul u weeraray shaqsiyaadka ay adeegsanayaan waxa uu ugu yeeray Ajnabiga, isagoo soo jeediyay in kuwaas lala dagaalamo

Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo lagu tiriyo shaqsiyaadka aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa isna hadal ka jeediyay munaasabadda, isagoo si dadban iyo si toosba u weeraray mucaaradka faraha kulul ku haya dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu qiray in la isku hayo kuraas iyo siyaasad, balse siyaasadda nidaam lagu kala qaatay, isagoo xusay in loo baahan yahay sida nidaamka siyaasadda loo qaatay lagu heshiiyo, waxaana uu duray Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo uu sheegay in doorashada markii uu u tartamay uu ku guuldareystay, haatan uu sugi la’yahay.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo is eedeynta, isla markaana qofkii aragti miisaan leh uu banaanka soo istaago, cidii kalena iska aamusto, waxaana uu ku dhaliilay in dowladda ay caburintii ay ku bedeshay aflagaado iyo dadka oo la isku dayo in la aamusiyo.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in marka wax la sheegayo ay tahay toosin, isla markaana aanay jirin cid hub wadata, isagoo xusay isaga shaqsiyan uusan ku qanacsaneyn qaabka uu Madaxweyne Farmaajo wax u wado, isla markaana wax alla wixii uu balan-qaaday oo dhan uu ka baxay.