Wasiir Gaadiidka DFS oo beeniyay in lagu xirey Muqdisho

Wararka Maanta

Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda  Soomaaliya  ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabta Magaalada Muqdisho waxa uu ku beeniyey  warar sheegaya in la xirey.

Warkaan ayaa maanta lagu baahiyey baraha Bulshada, sidoo kale waxaa tabiyey qaar ka mid ah idaacadaha Magaalada Muqdisho, wasiirka oo ka jawaabaya arintan ayaa yiri : “Runtii aniga maanta iskadaayee xataa waligeey intaa dhashay leyma xirin,waana riwaayad si fiican loo jilay oo aan arkayay qoraalo dad lacago looga qaatay oo leygaga been sheegayay” ayuu yiri wasiir Oomaar.

“Warbaahinta waxaa looga baahan yahay inay iska hubiyaan Wararka ay baahinayaan,sidoo kalena isaga aysan jirin xilligaan cid soo dacweysatay oo heysata.”ayuu sii raaciyay.

Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta maxaliga ah ayaa waxa ay daabaceen in arrimo musuqmaasuq loo xirey wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada.