Formaajoow; QAARAAN QARAN maanta oo kale ayuu qumman yahay!

Wararka Maanta

Formaajoow; QAARAAN QARAN maanta oo kale ayuu qumman yahay!

 

Maxamad Cabdullaahi “Formaajo” waa siyaasigii ugu horreeyey, ee inta bulsho Soomaaliyeed dhextaga yiri; “ii QAARAAMA lacag aan LAALUUSH ahaan ugu baxsho ololaha doorashada!” indha iyo qalbi adayag la mid ah, wali waa ii dhimmanaa. Dhaqan UGUB ku ah siyaasadda iyo loollankeeda, haddana, dadku u arkay caadi, oo in dhibsatay, wax ka dhahday ama ka dhiidhisay ay aad u yareed, bal waaba loo wada riyaaqay, oo la soo dhaweeyey.

Qofna laga ma hagrado waxa uu yahaye, si fiican ayuu u yaqaan sida loo sababto bulshada ama bulshadeenna ayaa illaaco ugu dhacday, oo maalin is ka jamatay, marka wax ka leexin kara ama ka duwi kara ma jiraan, is ka daa, in ay iyagu kaligood is ku dayaan, in ay gartaan qallooca ku jira dhaqankiisa, haddana u martay, una hirgashay, ee haddaa war yaallaa.

Anigu intii dhibsatay dhaqanxumadaa ayaan ku jiray, waxna ka qoray, marka maadaama maalintaa aan wax lagu qaadan, haddana Formaajo uu MW noqday, dadkuna wali u jadbaysan yahay, bal aan is ku dayo, in aan QAARAANKII hore, qaabdarrada taal iyo is ku qodba, sida uu u ka la dhaqmay, markan uu MW noqday iyo markii uu MW doonka ahaa. Labo dhaqanleyntu ma ahan wax ku cusub siyaasadda, ee tani waxay kaga duwan tahay kuwa kale, in ay kulansatay dhaqan, siyaasad iyo duruufo taagan.

Inta dhib dalka ka jirta, ee amnixumo, baahi, macalluul, waxbarsho la’aan, hormarxumo, dibudhac, caafimaad darro, aqoonyari iwm, iyadoo la wada ogyahay, in deeq, qaaraan iyo gunno loo aruursho qof, qolo ama urur arrimaha sare u istaagay i su xilqaamiddeeda, waa tusmo aan gartay, aanna hamblyeynayo, bogaadinayana, balse, waxa aanan garan, waxa siyaasi tartan dooarsho ku sheeg galaya, loogu aruuriyey qaaraan, iyada oo baahiyaha sare iyo ka badan ay jiraan?!

Marka laga soo tago dhaamidda erayga QAARAAN, sida hore iyo marar badan loogu dhaamay, in colaad, dagaal iyo ka la fogeyn dad walaalo ah loogu adeegsaday, ayaa maanta mar kale, siyaasad, sedburin iyo loogu adeegsanayaa sahaysiin siyaasi, u salabsaday tartan tiisa ah iyo in uu naftiisa soo saaro. Dunida waa ka jirtaa maalgelinta siyaasiga iyo in loo sameeyo kulammo dhaqaale loogu aruurinayo, balse, waa dalal naga duruufo roon dhan walba, ee ma diifta na haysa anagoo og, ayaan siyaasi u qaaraannaa?! Iga ma gedmin nabee.

QAARAAN, waa eray aad u wanaagsan, oo ku salaysan, in qof dhibban, oo dhib haysto, la i sugu daro dhaqaale, si looga saaro heerkaa xun, ee uu ku jiro. Ha ahaado, dhib uu gaystay, ee mag, daqar, qaan, xaal iwm ama ha ahaado, dhib loo geystay, ee looga garaabayo, lana garab istaagayo, ama mid ku dhacay, ee dabiici ah, sida; cayrtoobid, xoolo yari, hanti burbur, deynbixin, bargeyn, ilmo la’aan, waayeelnimo, cuuryaannimo iwm.

Si kale, QAARAANKU, mar waa taakulo, isdhammaystir, iskaabid iyo isu dhimrin, oo qofka aan wax haysan “saboolka”, kan dhibban “dhibbane” ama kan dhib gaysta, ayaa lagu gacanqabtaa, si arrintaa loo xalliyo, xalna looga gaaro. Mar kale, waa caymis, oo QAARAANKA aad bixisay amminkan, wuxuu kuu yahay keyd, aad berri iyo ayaan kale ku baxsatid, marka adna dhib ku la soo gudboonaado, ee aad u baahan tahay garabgal iyo taageero.

Dhan kale, waxa jira, KAALO, oo loogu deeqo qofka guursaday, si qayskan ugubka ah, loogu taageero, sidii ay u heli lahaayeen hanti u gaar ah iyo xoolo ay dhaqdaan. Sidoo kale, waxaa jira, YABOOH, oo inta badan, lagu baxsho, danguud iyo arrin ummadeed, oo aan loo adeegsadan dangaar ah iyo qof taageerkii. Tan waxaa la mid ah WANEEY ama DAGO, oo Alla bariyada, siyaarada, sabta iyo kulammada beelaha lagu ballanqaado, in qofku beesha iyo kulanka ugu deeqi doono guga ama dayrta dambe.

Tilmaahan iyo tusaalahan anigu garan waayey, tubta ay ka galaan qaaraanka loo aruuriyey siyaasi! Anigu macne aan ahayn shaxaad shaar loo galshay u ma hayo. Haddiiba aan laga fursanayn, in siyaasi lacag la isugu daro, saw ku ma habboonayn, in aan la adeegsan ereyga QAARAAN, ee ay eheed, in lagu gaabsado; dhaqaale aruurin, maalgelin iwm, si aan loo dhaawicin milgaha uu QAARAAN ku dhexleeyahay dhaqanka iyo hiddaha bulsho, loona dhaamin macanaha erayga?.

Anigu waxaan qabaa, -waa say i la tehee- in ujeedka loo adeegsaday erayga QAARAAN, uu yahay labo midkood; in dadka lagu qaldo eraygan qurxan, ee dadku aadka u yaqaan, una adeegsado, waxna ku baxsho, si aysan uga didin, oo dadka loogu dago, laguna dabto. Tan kale, in ay tahay dhaqan dhimaal iyo intii dhawrsaneed, sii dhaamiddeeda.

Inta eray la dhaamay ma yara, sida; madaxweyne, shabaab, jaalle, guulwade, taliye iwm. Ogoow, marka siyaasi erayga QAARAAN u adeegsado, beeso ku aruursi uu doorasho ku galayo, si uu laaluush ugu baxsho, berri, si qofka caadiga ah looga gado, in uu baxsho QAARAAN dhabbesan iyo dhito suubban ku baxaya, way adkaan doontaa, waxaana u sabab ah, in siyaasi adeegsaday, si uu beeso doorasho u helo. Fadlan, erayada yaan la dhaamin, ee ha la dhawro, inta goori goor tahay, haddii kale, sida kuwa badan, oo dhur lahaa ay u dhinteen, ayey kuwa kalana u dhiman doonaan.

Hadda iyo dan, Formaajoow, haddaad shalay ku qaldan tahay qaaraan siyaasadeed aruursigiis, adoo summad QARAN ku duldhigay, haddaad shalay ku qaldan tahay iyadoo duruufo adag lagu jiro, in aad taada kaliya fiirsatay, in aad ku qaraabato magaca QAARAAN QARAN, haddaad shalay ku dhiirratay, in aad bulsho tabaalaysan shaxaad siyaasadeed u soo doonatay, adoo QARAN ugu soo dhuuntay, maanta ayey kaga qumman tahay, kuguna waajib tahay, in aad qaaraankii shalay iyo qaaraamo kale aad aruuriso, ee dareen, damqasho iyo dux ma leedahay? Formaajoow; QAARAAN QARAN maanta oo kale ayuu qumman yahay! 

W/Qorey: Bashiir M. Xersi