Nabaddoonada beelaha Hawiye ayaa shir uga furmay magaalada Muqdisho, Shirkaan ayay kaga hadlayaan qodobo dhowr ah, waxaana ka mid ah:
- Ilaalin midnimada Beelaha Hawiye
- Maqaamka Magaalada Muqdisho
- Xalinta khilaafyada ka jira maamulada Galmudug iyo Hirshabelle.
- Raadinta xaquuqda uga maqan maamulada kale.
Waxgaradka beelaha Hawiye oo shirku uga socdo Muqdisho ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.






