Madaxii Biyo xireenka Korontada Itoobiya oo Meydkiisa laga helay Addis-Abeba

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Talefishinka Dalka Itoobiya ETV ayaa baahiyey war deg deg ah, warkaan kooban ayaa lagu sheegay in Eng. Simegnew Bekele Madaxii Biyo xireenka Korontada ee Itoobiya Meydkiisa laga helay gaarigiisa barxadda Meskel ee magaaladad Addis-Abeba Caasimadda Dalkaasi.

Dad badan ayaa ku soo xoomay goobta laga helay meydka Injineerkan, meydka Eng. Simegnew Bekele ayaa loo qaaday isbitaalka St. Paul. Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan sababta dhimasha injineerkan.

Warka dhimasha Simegnew Bekele ayaa naxdin ku noqday dadka itoobiya, wuxuuna masuul ka ahaa mashruucii ugu weynaa ee dalkaasi, itoobiya muddo dhowr sano ah waday dhismaha biyo xireen webiga Niil, arintaas oo ay aad uga carootay dowladda Masar.