C/kariin Guuleed oo iska casilay xilka Madaxweynaha Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku dhow Madaxtooyada C/kariin Xuseen Guuleed ayaa iska casilay xilkii Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

FB_IMG_1488107883397

Sababta iscasilaadiisa ayaa lagu sheegay arimo caafimaad, Guuleed ayaa maalmahaan howlo caafimaad ugu maqnaa dalka Hindiya, waxaana xusid muddan in Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug ay bishii hore xilka ka qaadeen, inkastoo uu diiday arintaas.

Screenshot_2017-02-26-14-34-15-1

Mr. Guuleed ayaa 4 Luulyo 2015 magaalada Cadaado loogu doortay Madaxweynaha Galmudug, waxaana intii uu xilka hayey maamulkiisa lagu dhaliilayey waxqabad la’aan iyo ka maqnaansho deeganada Galmudug.

Sidoo waxaa Golihiisa wasiira iska casilay wasiiro ka badan 10, Galmudug ayaa caaraadka ka taagan isbadal la filayo inuu ku yimaado madaxda dowlad goboleedyada.