Farmaajow Doorkaaga Ku Dabar!!.. W/Q: Ali Yare AbdiWahab

Wararka Maanta

Farmaajow Doorkaaga Ku Dabar!!

Madaxwayne Maxamed C/laahi (Farmajo) maanta baajiyay Kulankii Laba geesoodka ahaa ee Golaha Shacabka oo lahaa ajando ee kala duwan, Garabka Gudoomiye Jawaari oo ujeedkoda ahaa inay iskugu yimaadaan Kulankii Caadiga ahaa ee Golaha Shacabka ayaduu Ajanduhu ahaa Arinta Xuuduuda Balad-Xaawo,Halka ku xigeenkiisa koobaad Cabdiwali Ibraahim Muudey iyo Garabkiisa oo ka Shidaal qaadana Xukumadda Khayre sida ay ku andacoonayaan Saaxiibada Jawaari ay maanta u balansanayeen Moshinkii 18 Bishaan laga keenay Gudoomiye Jawaari.

Kulankan ayaa laga Cabsi qabay in maanta uu ku dhamaado ugu yaraan buuq iyo in Xildhibaadu gacanta iskula tagaan si lamida Baarlamaankii 7ad ee Dowladdii KMG ahayd, Halka sidoo kale laga cabsi qaybay in Hub iyo Ciidan laysku adeegsado Madaama Ilaaladii Xarunta Golaha Shacabka bilowgii Mooshinka Jawaari lagu badalay Ciidamo lagu sheegay in Xukuumaddu ay igu talo gashay in lagu Caburiyo Garabka Gudoomiye Jawaari, Ciidankan ayaa xalay soo saaray Amaro u muuqday in toos uga Amar qaadan lahaayeen Maanta garabka Muudey waxaana imaan alahayd in loo adeegsado Garabka Jawaari taasoo keeni kartay in ay timaado Dhimasho iyo Dhawac ku yimaado qaar ka mid Golaha Shacabka.

Madaxwayne Farmaajo arimahaan Sheeda kala socday ayaa Xalay xili danbe soo saaray go’aan uu ku baajiyay Kulankii foolxumadiisu banaanka taalay,Balse Go an aankaan waxaa loo arkaa mid soo daahay waxaana Madaxwaynaha qudhiisa lagu Xamanayay inuu Sheekadan Garab ku qanacsanaa siday wax u wadaan, Farmaajo ayaa helay Fariimo Xambaarasan Talooyin qeexaya in Xaalku cakiran yahay loona bahan in maanta Soomalia laga badbaassho qatarta ka imaan karta Xiisada siyaasadeed waxaana si toosa iyo Fariimaba usoo gaarsiyay Taloooyinkaas Madaxwaynayaashii Xilkaan uga horeeyay ee Xassan Shiiq iyo Shiiq Shariif.

Madawaynaha oo kulamo la qaadanaya Labada Garab ee golaha Shacabka ayaa la wada sugayaa doorka uu arintaan ka ciyaaro, Farmaajo waa Masuulka ugu sareeya Dalka doorkiisana waa Nabadoonimo iyo inuu biyo Qaboow ku shubo marka ay shidmaan dababka Siyaasadeed ee Caynkaan ah, waxaa maanta is Haystaa waa Golihii Sharci dajinta ee u ogo laaday inuu Hugamiyo Umadda Somaaliyeen, labada dhinac ee ay kala Hugaaminayaan Jawaari iyo Muudey sida Muuqata Qolo ayaa wada in Shaqo horay loo qabtay dib loogu laabto oo Gudoomiye Jawaari Xilka laga qaado kadib laga galo kaanbayn(Campain) Cusub iyo Doorasho guudimye Cusub halka garabka Jawaari ku doodayaan inay taa ogolaayeen balse uu Waqtigaan Mooshinkan Dhacay sida uu qabo Heer hoosaadka waxayna qabaan ama doonayaan in la galo Howlaha kale ee Muhiimka u ah Bulshada, Marka arimahaas lays barbar dhigo oo la eego danta Dalka iyo Dadka Somaaliyeed ma awoodaan in Maalin qura dib loo laabto waana in Madaxwaynuhu Xitaa ku baraarugaa Shaqada baaxadda leh ee hortaala Maamulkiisa oo uu Mooshinkaan lugooyada ku ah meesha ka saaaraa asagoo kaashanaya Aqalka sare madaama aysan jirin Maanta Maxkamdii Dastuuriga ahayd.

Mooshinkaan ayaa durba Curyaamiyay dhaman Howlihii Dowladdda waxaana Khamiistii baaqdayn kulankii golaha Wasiiraadda, Waxaana iska cad inay hurimayaan Danley Shisheeye iyo kuwo Sokeeye oo an marna ku qanacsanayn in Soomaaliya tilaab horay u qaado Hugaamiya Somalia waa inuu meesha kasaaro nin jeclahyse iyo isku Mashquulida hay’aadaha Dowladda Dhex dooda haday ka go an tahay inuu ka dabaasho Daminada loo qoolayo.

W/Q: Ali yare Abdiwahab Aden
Uganda/Kampala
Email Caliyareg@gmail.com