Kullankii Golaha Shacabku uu maanta yeelan lahaa oo Baaqday

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay uu khilaaf ka dhex taagnaa. Madaxweynaha ayaa kala hadlay Guddoonka sidii loo hakin lahaa Khilaafka xooggan ee ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka Madaxweynaha uu qaatay Guddoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa joogay Guddoonka Aqalka Sare. Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ay muhiim tahay in xaaladda la dejiyo, islamarkaana Sharciga iyo kala dambeynta la ilaaliyo. Waxaa sidoo kale uu guud ahaan hakiyay kulankii maanta ee Golaha Shacabka oo cabsi badan laga qabay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sh. cismaan Jawaari oo goordhow saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay isku waafaqeen Madaxda in la baajiyo kulankii maanta loo balansanaa, waxaana arintaan la sheegayaa in ay timid kadib markii beesha caalamka Madaxweynaha ku cadaadiyeen inuu dhexgalo khilaafka xarga goostay ee golaha Shacabka.