Falastiin oo Trump uga digtay Inuu Safaarada Mareykanka Ee TelAviv U Soo Guuriyo Bariga Qudus.

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Xafiiska Madaxwaynaha Falastiin iyo saraakiil sare oo ka mid ah maamulka ayaa uga digay saamaynta ka dhalan karta hadii la iska dhaga tiro codsigooda ku aadan in Bariga Qudus ay tahay caasimadda gobolka ee mustaqbalka.

Digniinta ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu go’aan ka gaarayo horaanta toddobaadka soo socda inuu safaarada Mareykanka ee Tel Aviv u soo guurin doono Bariga Qudus.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Trump laga yaabo in mar kale uu dib udhigi karo in la raro safaarada, laakiin uu u aqoonsado magaalada Qudus inay tahay caasimadda Israel, tallaabadaas oo waxeeleen doonta siyaasadda Maraykanku ku leeyahay,gobolka isla markaana kicin karta xiisadaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha guud ee Guddiga Fulinta ee xisbiga PLO, Saeb Erekat, ayaa sheegay in uu la hadlay hogaamiyayaasha Carabta, kuwaas oo farriin isku mid ah u diray “in magaalada barakeesan ee Qudus ay tahay layn casaan ah, ma ahan kaliya Falastiiniyiinta laakiin waa Carabta, Muslimiinta iyo Masiixiyiinta meel kasta”