Hay’ada Qaramada Midoobay ayaa u codsatay dhaqaala gaaraya $ 22.5bn si ay u caawiso dhibbanayaasha, iskahorimaadyada iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee adduunka oo dhan.
Koonfurta Suudaan ilaa Suuriya iyo Afgaanistaan ilaa qaxootiga ka yimid Myanmar, iskahorimaadka ayaa sabab u ah dhibaatada aadanaha. Xaaladaha intooda badani waa kuwa kasii daraya .
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 135 milyan oo qof oo adduunka ay u baahan yihiin gargaar. Marka la eego tirooyinka ay dhibaatooyinka saameeyeen, iyada ooo Yaman ay tahay dalka ay ka jirto dhibaatada bini’aadanimo ee ugu xun dunida.
Dagaalku wuxuu ka tagay in ka badan 22 milyan oo qof oo u baahan gargaar, iyada oo ay jiraan cunto xumo daran iyo dhibaatooyinka daacuunka.
Dalka Nigeria, 14.5 milyan qof, gaar ahaan haweenka, ayaa waxay u baahan yihiin gargaar iyo ilaalin sababtoo ah dagaalka ka dhexeeya ciidamada iyo kooxaha hubaysan.
Qaar ka mid ah wadamada kale ee Afrika, in ka badan 13 milyan oo qof oo ku nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) – kuwaas oo intooda badan ay ku barokaceen dagaalada – waxay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo.Tira la mid ah ee reer Suuriya ayaa weli ku dhibaateesan dagaalka sokeeye sanadkii toddobaad.
Saddex meelood meel ka mid ah lacagta gargaarka ee codsadeen Qaramada Midoobay ayaa loogu talagalay in lagu caawiyaa dadka Suuriya oo a saameesay dhibaatada ugu xun ee bani’aadamnimada