Falanqeyn:Madaxweyne Farmaajo waa suurtagal in Mooshin laga keeno!

Wararka Maanta

Waxaa jiray in mar hore in Madaxweyne Farmaajo codsadey inuu kulan degdeg ah oo uu la hadlo labada Aqal ee Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya. Kulankaa ma suurta galin.

Wali lama garan wax uu madaxweynuhu ugu baaqday inuu xildhibaanada labada gole ka dhaadhiciyo Qorshihiisa dagaalka ee uu iclaamiyey ee al shabaab.Markuu kulankaa baaqday waxaa bilowday kooxo kala u jeedo ah oo ka mida xildhibaanada labada gole oo ka soo hor jeeda siyaasada uu madaxweyne farmaajo ku hogaaminayo Dowladda Faderaalka

Waxaa soo baxay war isasootaray in xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanada Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya  ay qorsheenayaan diyaarinta  mooshan ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya maxamed cabdulahi Farmaajo .Arimahan siyaasadeed ee  ku saabsan Mooshin. maaha wax ku cusub siyaasada soomaaliya.

Waqtiga hada la joogo ayaa waxay xildhibaanada labada Gole u qayb samaan sadex kooxood oo kala u jeedo kala haysta. Waxay Falanqeyn taydu farta ku fiiqaysaa xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka dawlada faderaalka inta koox oo ay u qeyb samaan beelaha ka soo jeedaan.

1)Kooxda  Qabyo waa taageera yashii madaxweynihii hore xasan sheekh. waxay mucaarad cadku yihiin madaxweyne Farmaajo dawladiisa. Waxay ka kooban yihiin 50 ilaa 70 xildhibaan oo u badan beelaha shanaad. Waxaa hogaamiya Xildhibaan Farax cabduqaadir. Wax doonayaan inay dawlada madaxweyne farmaajo Fashilanto.

2) Kooxd  Daljir waxaa xildhibaanadii. Sidii xooga lahay u  taageersanaa  in madaxweyne farmaajo  ku guulaysto xilka madaxweyne waxa ay  waayeen balanqaadkii ahaa in iyagu helayaan xubinta   Raysal wasaare. Iyo nay heli doonaan xil muhiima dawlada uu hogaamiyo farmaajo .Kooxda daljir waxay kulmisaa 30 ilaa 35 xildhibaan oo u badan beelaha hawiye.

3 ) Kooxda sadexaad   waa maamul Gobaleed yada xildhibaanada ku xiran madaxdooda oo fuliya danaha madaxweynashaaya maamul gobaleed yada oo aaney waqtigan isku fiicneny madaxweyne farmaajo madaxweyna yaasha maamul gobaleed yada iyo xiriirka madaxweyne farmaajo ma fiicna dhinac kasta.kooxda xildhibaanada ee aaminsan madaxda maamul gobaleed yadu waa ilaa  80 xildhibaan. oo isugu jira maamulada koonfur galbeed jubaland iyo puntland.

Haddii mooshanka socda diyaarintiisa lagu guuleysto waa hubaal in loo heli doono taageerayaal badan oo leh wejiyo badan.Sidaan hore u sheegay kooxahan  badan ee kala dane siyaasadeed oo kala duwan wata ayaa isku baheysan doona howl gelinta mooshankan.

Iyagoo kooxkasta mooshinka ka dhigaysa qas iyo cabsigalin siyaasadeed. Inay dantooda ka helaan Mooshinka wareejinayaan.Iskastoo madaxweyne farmaajo haysto taageerada DowladdahaTurkiga iyo Qadar oo markasta diyaar u ah inay bixiyaan dhaqaalaha lagu joojin karo haduu yimaado mooshin. Khatar galin kara xilka madaxweyne farmaajo.

Waxaa kaloo jira in Mooshinkan, ay  dhabarka ka riixayaa Saraakiisha sirdoonka ee Dowladda Emirate-ka Carabta, iyadoo loo adeegsanayo siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaa oo Magaalada Muqdisho ku abaabulaya tiro Xildhibaano ah. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shirar gaar gaar ahi ay siyaasiyiinta iyo Xildhibaanaduba uga bilowdeen Magaalada Muqdisho.

Xaalada siyasadeed ee in Dowladaha khaliijka iyo Turkiga isku haystaan danaha siyaasadeed ee ay kaleeyihiin Gayiga Soomaaliya. Maaha wax qarsoon .Xaalada siyaasadeed ee Dowladda madaxweyne farmaajo waxaa culayska wayn ka haystaa sidii loo mideyn lahaa kooxaha kala aragtida ah ee xildhibaanada labada gole ku jira.

Waxaa suurta gal ah hadii aan xal siyaasadeed loo helin. Wadanku uu  gali doono qalalaase siyaasadeed oo keenta in ay wada shaqeyn waayaan Goloyaasha sharcidajita iyo golaha xukumaddu oo ay istaagto  habka wada shaqeynta ku dhisan. ee Dowladda Faderaalka

Ceelhuuronline

W/Q: Aqoonyahan Mohamed Caalim waana Aragtidiisa u gaarka ah ee kama Turjumayso tan Ceelhuuronline