Ahlusuna oo soo gudbisay liiska 20 kii xildhibaan ee ay saamiga u qaateen

Wararka Maanta

Ahlusuna Wal-jameeca ayaa la sheegay inay soo gudbisay Liiska Xildhibaannada Galmudug qeybta laga siiyay, iyadoo qoondada 20-ka kursi ay ku salleeyeen qaab beeleed.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Warqadan ay Ahlusuna u gudbisay Beesha Caalamka, si ay ugu caddeyso liiska Xildhibaannada 20-ka Kursi ee dhankooda ka imaanaya.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in laga hadal haayo liiskan, waxaana xubno ku dhow dhow Ahlusuna ay sheegayaan in liiskan uu yahay mid Ahlusuna u dirtay Beesha Caalamka, si ay ugu soo bandhigto qoondadeeda kuraasta ay ku leeyihiin Baarlamaanka Galmudug.

Hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in qoondada qaar ee ay ku salleeyeen kuraasta Xildhibaanada ay cabaqo keeni karaan marka loo eego sida ay beelaha ugu soo kala xusheen.

Xiriiro aan la sameeyay Guddiga Farsamada iyo Maamul Dhisidda Galmudug ayaa waxay ii sheegeen in aanay si rasmi ah u xaqiijin karin liiskaan, isla markaana aanay weli soo gaarin wax liis ah oo ka yimid Ahlusuna.

Dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ayaa dhowaan ku heshiiyay in 20- Xildhibaan oo ka mid ah 89-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug la siiyo Ahlusuna.