Faah faahin Duqeymo ka dhacay degmooyinka Jilib iyo Buurhakaba

Wararka Maanta

Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqeymo dowladda Mareykanka ay ka fulisay degmooyinka Jilib iyo Buurhakaba ee gobolada Bay iyo waliba gobolka Jubadda Dhexe.

Sidda ay sheegeen qaar ka mid ah dadka degaanka duqeymo iyo weeraro ayaa xalay ka dhacay saldhig ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku lahaayeen meel u jirta 35km degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in goobta la duqeeyay ay aheyd mid ay ku sugnaayeen dad Shabaab ay soo xirxireen maalmihii ugu dambeeyay.

Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka , dowladda dhexe, maamulka Koonfur Galbeed iyo waliba Al-Shabaab.

Dhanka kale War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa lagu sheegay in weerar ka dhacay duleedka degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM ma sheegin tirada Al-Shabaab uga dileen duqeymaha, balse waxay xaqiijisay in uusan jirin wax khasaaro ah oo dadka shacabka kasoo gaarey howlgalkan.