Shirweynaha dhalinyarada Galmudug ayaa maanta ka furmay magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka Galmudug.
Dhalinyaradaan oo ka kala yimid deegaanada Galmudug ayaa gaaraya 100 xubnood, waxaana shirkaan wadatashiga ahi u soconayaa laba maalmood, dhammaadka shirkaan ayaa laga soo saari doonaa warmurtiyeed.
Wasiiro, xildhibaano, maamulka degmada Cadaado iyo madaxda dhalinyarada ayaa furitaanka ka qeybgalay, waxay kula dardaarmeen ilaalin midnimada dhalinyarada Galmudug.