Faafaahin: Sarkaal ka tirsan Ahlu sunna oo Galmudug isku soo dhiibay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal Sarkaal ka tirsan ciidanka Ahlu sunna gaar ahaan kuwa nabad suggidda Maamulkaas ayaa xalay isku soo dhiibay ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka qeybta Galmudug ka howlgasha.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/risaaq Cali Tubaako ayaaka mid ahaa saraakiisha hoose ee ciidanka Ahlu sunna, waxaana xalay gaari ka soo qaaday inta u dhaxeysa Magaalooyinka Mareergur iyo Godinlabe, isagoona hadda uu ku sugan yahay Magaalada Cadaado.

C/risaaq ayaa watay hal qori AK-47 iyo Booshkiisa kaliya, mana jirin ciidan la socday, waxa horey uga tirsanaan jiray ciidankii Cabdi Nuurre siyaad (Cabdi waal).

Wararka goosashada Sarkaalkan ayaa soo if baxay saaka, waxaan Maamulka Ahlu sunna bilaabay baaritaan, waxaan saldhigga Dusmo-reeb looga yeeray ehelkiisa, iyadoo weydiin kadib dib loo fasaxay.

Dhanka kale maamulka Ahlu sunna ayaa sheegay in Sarkaalkan uusan hadda wax xil ah ka heyn ciidankooda, inkastoo wararka qaar sheegayaan in uu ahaa sarkaal hoose oo ciidanka ka tirsan.

 

Tagged

Comments are closed.