WarSaxaafadeed
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulaysa waajibaadka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba wixii ka cusboonaada caabuqa COVID-19, waxay umadda la wadaagaysaa qodobadan:
-
Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)
-
Waxay wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19 taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12
-
4ta xaaladood oo cusub ayaa ah dad dhamaantood wadanka dhexdiisa joogay oo aan la laheyn xiriir dibadda
-
Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Somali 58 jir ah, kaas oo noqnaysa dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa
-
Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda
-
Wasaaraddu ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen xaaladahaas cusub
-
Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda
-
Fadlan inagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka.