Shir lagu dhameynayo Shaqaaqo ka dhexjirtay Galinsor & Docoley oo Cadaado ka furmay (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirudowlaha Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye) ayaa daah furay  gogol looga wada xaajoonayo gadiid iyo matoor ay kala dhaceen dad kasoo jeeda deegaanada Galinsoor iyo Docoley oo labadooduba hoos taga degmada Cadaado.

Wasiir Guureeye ayaa sheegay in qabsoomidda gogoshan ay waqti badan ku bixiyeen, haddana ay ka doonayaan in waxgaradku si wanaagsan ku xalinayaan arintaan.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay wasiirudowlaha Waxabarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal, xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug, gudoomiyaha Degmada Cadaado iyo waxgarad ka socday labada dhinac.

Shirkaan ka furmay magaalada Cadaado ayaa laga filayaa in lagu soo afjaro shaqaaqadii dhacday, iyadoo la isku celinayo gaadiidkii iyo matoorkii ay kala haysteen labada dhinac.