Home > Wararka Maanta > Baahi intee la eg ayaa loo qabaa in muqdisho hesho garoon diyaaradeed oo kan hada ka baaxad wayn?

Baahi intee la eg ayaa loo qabaa in muqdisho hesho garoon diyaaradeed oo kan hada ka baaxad wayn?

Wararka Maanta

 

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in Garoonka Aadan Cadde uu ka mid yahay 10-ka garoon ee ugu dhaq dhaqaaqa badan Afrika.

“Sanadkii 2018 wuxuu garoonka Aden Abdulle qabtay 29,365 duulimaad iyo 676,019 rakaab ah iyo 21,245,595 KG xamuul ah, halka sanadkii 2019 duulimaadyadu ay noqdeen 30,832 iyo 699,105 rakaab ah iyo 21,904,455 KG xamuul ah. Garoonka Aden Abdulle waxuu ka mid yahay 10ka garoon ee ugu dhaqdhaqaaq badan Africa.”ayuu yiri Wasiir Oomaar qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray.

Wasiirka ayaa xusay in baahida loo qabo in la helo garoon weyn oo caalami ah ay tahay mid muhiim ah oo tallaabadeeda ugu horeysay ay hadda socoto.

Mar uu ka hadlayay safar shalay ay ku tageen deegaanka Maaxaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo Muqdisho u jirta illaa dhowr iyo afartan KM ayuu xusay inay ku soo arkeen dhul aad qurxoon oo baaxad weyn, badda saaran, kuna habboon garoon diyaaradeed oo caalami ah.

“Waxaan shalay safar saqo oo ku saabsan garoonka cusub ee Muqdishu ku tagnay deegaanka Maahaay, Hirshabeelle. Dhul aad u qurux badan, Baaxad weyn, badda saaran oo ku haboon garoon diyaaradeed oo caalami ah ayaa dadka deegaanka ina soo tuseen. Waxaan hadda maraynaa gaba gabadii daraasaadka garoonka cusub”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Sahanka lagu sameeyay dhulkaas ayaa waxaa uu suura gelin doonaa in la bilaabo mashruuca garoon cusub oo diyaaradeed looga dhisayo bannaanka Muqdisho, garoonkaas uu noqdo mid ka weyn kan hadda la isticmaalo ee ku yaalla Muqdisho gudaheeda, waxaana horay jiray sahan iyo kormeero laga sameeyay goobo kala duwan.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!