Xildhibaan Abuukaate” Qurbajoogihii Shalay waa Madaxda Maanta Qurbajoogaha Maantana waa Madaxda Biri

Wararka Maanta

Xildhibaan Maxamuud C/laahi Axmed (Abukaato) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa waxa uu Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay dhiiragelisay tahriibka dhalinyarada.

Xildhibaan Maxamuud C/laahi Axmed, ayaa Madaxda Dowladda ku eedeeyay in inta badan ay xilalka u magacaaban dad qurbajoog ah, xilli laga yaabo in ay shaqooyin ku haysteen dalalkii looga kala yeeray amaba ay macquul tahay inay meelaha iska wareegi jireen.

Sida aan baryahan dambe la wada socono waxaa soo badanaya Xukuumadda iyo dhammaan Hay’adaha Dowladda, oo ay ku jiraaan laamaha amniga in loo magacaabayo qurbajoog amaba dad looga yeeray meel aad u dheer. Lagaba yaabee inay haysteen shaqo amaba dibjir ku ahaaayen meelaha ay jooggeen in looga yeero dalka, loona magacaabo xilal aad u waaweyn, badankoodna aysan aqoon badan u lahayn jegooyinka loo magacaabay.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud C/laahi Axmed.

Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa soo hadalqaaday iyadoo ay dalka jooggan dad u adkeystay xaaladihii adkaa ee dalka uu soo maray, isla-markaana dalka wax ku bartay, ay dhacdo inaan badanaa xilal loo magacaabin.

Ayadoo ay buuxaan dad badan oo dalka wax ku bartay, una samray daruufihii adkaa ee dalka soo maray, dadkoodana la soo qaybsaday, qaban karaan jegooyinka loogu yeerayo qurbajoogta, waxay keentay inay aad u niyad jabaan, xilli dowladda ay marwalba ku dhiirageliso inaanay tahriibin. Talow dowladeena afkeeda iyo dhegaheeda isma maqlaan miyaa?” Ayuu yiri Xildhibaan Abukaato.

Mudane Abukaato waxaa uu ku baaqaya in sidani wax laga bedelo, haddii kalena ay keeni karto inay dhacaan waxyaabo aan wanaagsanayn, maadaama ay dadkani dalka wax ku leeyihiin.

“Haddii ay sidaan Xukuumadda iyo laamaha kaleba ku sii socdaan waxaa suurtagal ah inay dhacaan waxaan wanaagsanayn, ee umadaan wadanka wax ku leh, wax halaga siiyo.” Ayuu yiri Abukaato.

Abukaato oo hadalkan ku sheegay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada xiriirisa ee Facebook, ayaa ugu dambeen yiri “Qurbajoogihii shalay waa madaxda maanta, qurbajoogaha maantana waa madaxda berrito.”

 

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Abukaato waxaa uu ku soo beegmaya, xilli Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu Talaadadii, Saadaq C/laahi Cabdi u magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud & Dib U Dhiska. Saadaq C/laahi waxaa weeye nin haysta dhalashada dalka Mareykanka.

Xigasho:Xildhibaan Abuukaate