Magaca xildhibaan ku dhaacway Qarax ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Qarax Khasaare geystay ayaa ka dhacay Ex Kontrool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxaasi ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu xiray gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay Qaraxa, waxaana sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Xildhibaan Salaad Sheekh Xuseen oo ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle.