Halyeeyga Chelsea Didier Drogba ayaa amaanay weeraryahanka kooxda Alvaro Morata ka dib markii uu xagaagan ka dhaqaaqay Real Madrid.
24 jirkaan ayaa Blues ku soo biiray heshiis rikoor ah oo gaaraya 65 milyan ginni, ka dib markii uu go’aansaday inuu isaga tago garoonka Bernabeu.
Morata ayaa goolka guusha u dhaliyey Chelsea Sabtidii, iyadoo guul ay ku dagaalameen oo ah 2-1 ka gaaray Leicester City, isagoo seddex gool dhaliyey labo caawiye afartiisii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, Drogba ayaa rajeynaya inuu bilow gaar ah yahay.
Isagoo la hadlayay Sky Sports News, xidigii hore ee ree Ivorian ayaa yiri: “Waxa uu dhaliyay goolasha guusha , sidaasi darteed waan ku faraxsanahay isaga, kooxdana sidoo kale , waa muhim inaad gool dhaliso, sida weeraryahan, markaad ku bilawdo kooxda cusub, dadku waxay leeyihiin rajooyin badan.”
Chelsea ayaa sidoo kale heysata xiddiga reer Spain ee Diego Costa, inkastoo weeraryahanka uu ku faraxsaneyn tababare Antonio Conte, islamarkaana uusan xilli ciyaareedkaan ciyaarin.
W/Q Hafsa Haji